Home WARARKA DAAWO War Deg Deg Ah: RW Kheyre Oo Shaqada Ka Joojiyey Wasiir...

DAAWO War Deg Deg Ah: RW Kheyre Oo Shaqada Ka Joojiyey Wasiir Mukhtaar Daa’uud

0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Waxa Si Cad loo faah faahin waxa sababta ka dhigay shaqo joojintaan iyadoo si qoraal Xafiiska RW Kheyre looga joojiyey Wasiirka.

Ku tagrifal dhinaca Dhaqaalaha Qaranka ayaa lagu Eedeeyey Wasiir Mahad oo markii dambe keentay in Buuq ka dhasho Isbuucaan Horaantiisii markii la isku dayey in lasoo xiro.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyey in Shaqo joojin lagu sameeyey Wasiirkaasi oo loo heysto wax isdaba marin Hantida Dalka.

Hadaba Warbixin Aan Hore udiyaarinay ayaa jirtay oo Buuqaasi keentay xitaa in Farmaajo iyo Axmed Madoobe isku qabtaan.

HALKAAN KA AKHRISO WARBIXINTAAN DAABACNAY

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE