War deg deg Ah: Rasaasta Dabaal degga Loo ridi jiray Oo La Mamnuucay

0

Si loo ilaaliyo Bad qabka Caruurta iyo Dadka waayeelka ah,waxay Dawladu garwaaqsatay baa la leeyahay Xabadihii loo ridi jiray Dabaal degga,ayey Dawlada Soomaaliya mamnuucday.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oranjo ayaa sheegay in Askarigii Rasaas rida Caawa markii 12:00 Saqda dhexe la gaaro la hor geyn doono Sharciga.

Waxa uu sheegay in ay Habeenkii 26-kii June loo dabaal degayey ay jireen dad waxyeelo soo gaartay oo Xabadihii la ridayey ah.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur kana tirsan Golaha Shacabka ayaa isagoo jooga Xarunta Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku dhaawacmay Habeenkaas rasaas habow ah oo gacanta ka haleeshay,xilligii dabaal degga la ridayey.