War deg deg ah: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Xalane

0

Abaare 5:30 galabta ayaa qarax laga maqlay fariisin Ciidanka Dawlada ku leeyihiin Degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa nuuca uu ahaa waxaana dadka Qaar ay sheegeen in miino aheyd.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Koontaroolka la qarxiyey ahaa meesha laga ilaaliyo Xerada Xalane.

Rasaas ayaa xigtay qaraxa kadib iyadoo wararka soo baxaya hadda sheegayaan in qof isa soo miidaamiyey uu fuliyey.

Wixii soo kordha insha allaah dib kala socda