War deg deg Ah: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & Meydad daadsan..

0

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena Warqaad ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maqaaxi ku taalla isgoyska fagax ee magaalada Muqdisho.

Ka hor salaadii maqrib ayuu qaraxa dhacay iyadoo aan la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha uu geystay balse waxaa lasoo tebiyey in dad badan ay wax gaareen.

Maqaaxida ayaa mashquul badan ka jiray marka uu dhacayey weerarka waxaana fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in qaraxa uu bur buriyey dhismaha maqaaxida,iyadoo lasoo tebinayo in meydad lagu arkay qaraxaasi.