War deg deg Ah Oo laga helay Dhufeysyadii ciidan Ee Aagga Barmuuda & Siigaale

0

Difaacyadii Yaallay xaafadaha Siigaale iyo Baramuudo ayaa galabta waxa qaaday dowlada Soomaaliya si la iskugu furo Dhamaan xaafadaha Degmooyinka Hodan iyo hawlwadaag.

In la qaado difaacyadaan ayaa ka dambeysay kadib markii heshiis laga gaaray Colaadii ka dhacday Muqdisho.

Ciidamada Madaxtooyada ee Koofi Casta ayaa xiray qeybo kamid ah Wadada Maka-Almukarama.

Wadooyinkii ay xirteen Millateriga ka gadooday muddo kordhinta ayaa la bilaabay in la furo, waxaana lagu arkayaa Gaadiidka Baldoosarada ah oo difaacyada la sameeyey furaya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe tegay goobaha la furay ee degmooyinka howlwadaag iyo Hodan.