Heerkii ugu xumaa Dhaqaale xumada Dawlada & Wasiir Beyle Oo Lacago weydiistay Culimada

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan looga hadlayey taakuleynta ciidamada qalabka sida la yeeshay hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Shirkaasi ayaa waxaa lagu falanqeeyey in Culimadda Soomaaliyeed ay doorkooda ka qaataan sidii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa fariinta ah in la garab istaago ciidamada qaranka.

Wasiir Beyle ayaa ku bogaadiyay Bahda Culimadda Soomaaliyeed xoojinta wacyigelinta bulshada gaar ahaan muhiimadda ay leeyihiin ciidamada qaran oo har iyo habeen utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

“Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo Mas’uuliyiinta sare ee hay’adda Culumada Soomaaliyeed, sida Shiikh Bashiir A. Salaad iyo Shiikh Cali Wajiis,ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa aan ka wadahadlanay muhiimadda hal abuurka dhaqaalaha iyo taakuleynta ciidamada dalkeena, iyada oo la adeegsanayo Wacyigalin iyo Barnaamijyada diiniga ah.

Tani ayaa kusoo aadeysa xilli weli Wasaarada Maaliyada ay raadineyso yabooh dhaqaale oo lagu kabo miisaaniyada Mushaaraadka Ciidamada Qaranka.