Home WARARKA WAR CUSUB: Qaraxii Galabta Ka Dhacay Muqdisho,Nuuca Gaariga & Khasaaraha {SAWIRRO}

WAR CUSUB: Qaraxii Galabta Ka Dhacay Muqdisho,Nuuca Gaariga & Khasaaraha {SAWIRRO}

0
SHARE

Qaraxa ayaa dhacay Abaare 4:10 Daqiiqo Salaadii Casir Kadib,waxaa uu ka dhacay Meel udhaw Beerta Nabada Ee Degmada Xamar Weyne.

Dadka Goob joogayaasha ah ayaa sheegay in Gaari nuuca raaxada ahaa uu qarxay iyadoo qof la socday uu ku dhintay.

Holac iyo Uuro ayaa mar keliya is qabsatay,waxaana la ogeyn bartilmaameedka in gaariga uu ahaa iyo in meel kale loo waday.

Ciidamada Amniga ayaa durba goobta tegay iyagoo diiday in meesha laga dhawaado.

Masaafo yar waxay u jirtaa goobta gaariga uu ku qarxay Difaacyada laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Ee Dalka looga arimiyo.

Hal qof ayaa dhimashada la og yahay oo gaariga qarxay la sheegay inuu saarnaa,waxaana bur bur soo gaaray dhismayaal ka dhawaa halka gaariga ku qarxay.

Wixii faah faahin soo kordho dib kala socda insha allaah

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE