War cusub oo laga soo sheegayo shaqada garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xanibay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Madaarka Muqdisho 48-ka saac ee soo socota.

Waxa la war geliyey madaxda shirkadaha diyaaradaha iyadoo loo sheegay in wixii caawa ka dambeeya aysan jiri doonin duulimaadyo lasameyn karo.

Iyadoo gabi ahaan la joojiyay duulimaadyada dibadda iyo dalka gudihiisa ee Garoonka Aden Cadde Airport sabab lagu sheegay doorashada berri dhaceysa awgeed.

“Laga bilaabo caawa 12-ka saqdhexe ma jiri doono wax duulimaad Ah Ilaa maalinta isniinta,ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha”.

Garoonka diyaaradaha muqdisho ayaa waxa uu ku yaallaa xeydaabka aadka loo ilaaliyo iyadoo hagarka Afisiyooni uu ku dhaw yahay madaarka,sidaas ayaana duulimaadyada loo joojiyey.