WAR CUSUB: Maxaa Kasoo Kordhay Doorashada Soomaaliya 2021-ka

0

Sida aan ku helnay warar dheeraad ah Dawlada Soomaaliya ayaa rajo beel ay gelisey Muddo ay udib dhigtay xal ka gaarista Mucaaradada lagu hayey waxay go’aansatay Qabashada Doorashada.

Baydhabo,Baraawe,Garbahaareey,Baardheere,Jowhar,Beled weyne,Muqdisho,Dhuuso mareeb, & Gaalkacyo ayey Doorashada ka bilaabaneysaa.

Waxaa ka maqan Doorashadaasi Kismaayo,Garowe iyo Boosaaso xubnihii lagu soo dooran lahaa,maadaama Puntland iyo Jubbaland weli diidan yihiin sida wax loo wajahayo.

Ilo wareed aan ka helnay madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegaya in Lagu go’aan gaaray Qabashada Doorashada islamarkaana ay muhiimadu tahay in wakhti dambe la khasaarin doonin.

Tijaabadii Siyaasadeed iyo awood ahaan inta ay gaarsiisan tahay Mucaaradka hore loogu sameeyey ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa inuu markaan si dhib yar ku helo guul xukunka mar kale soo laabto.

Beesha Calaamka ayaa sheeda kala socota Arimaha Doorashada,Wax ka yar Bil ayaa Muddo Xileedka Madaxweyne farmaajo uharsan,welina Baarlaman Waddanka lama dhisin.

Aqalka sare ayaa si boobsiis ah Dawlada uqorsheysan in lagu soo doorto kadibna lagu soo doorto Baarlamaanka 11-aad Ee Golaha Shacabka ka mid noqonaya.