WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo go’aan uu hore uqaatay ka laabtay

0
8

Wararka inaga soo gaaray magaalada garowe ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Deni ka laabtay go’aan uu hore uga qaatay magacaabida xubnaha maxkamadda sare ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo cadaadis xooggan kaga yimid sida la sheegay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Nugaal ayaa isbeddel ku sameeyey liiska magacaabida xubnaha Maxkamadda sare.

Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay oo hadda laga helayo Madaxtooyada liiska Xubnaha la magacaabayo ee Maxkamadda sare ayaa gebi ahaanba laga saaray Gudoomiye Axmed Taaran.

Cabdiqani Cali Xagaa oo loo yaqaano (Qardhaawi) ayaa lagu beddelay booskii Axmed Taaran ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo sugan.

Cabdiqani Qardhaawi oo hadda Madaxweynuhu go’aansaday in uu u magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxay isku deeggaan ka soo jeedaan Axmed Yuusuf Taaran.