Home WARARKA WAR CUSUB: Ciidamada Jubbalan oo Hub la`aan iyo caafimaad daro la daala...

WAR CUSUB: Ciidamada Jubbalan oo Hub la`aan iyo caafimaad daro la daala dhacaya

0
SHARE

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowlada fedraalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka arimiyo ayaa la soo warinayaa in xiligaan ay la daala dhacayaan duruufo adag oo kala duwan sida Hub la`aan iyo caafimaad daro sida uu warbaahinta uu u sheegay taliyaha ciidamada daraawiishta ee Jubbaland Aadan Maxamed Goojaar.

Ciidamadaan hadda la soo sheegayo in ay la kulmayaan daruufaha adag ayaa maalmo ka hor Al-shabaab kala wareegay deegaano badan oo ay kaga sugnaayeen gobolada Jubbooyinka.

Taliye Aadan Maxamed Goojaar ayaa sheegay in Ciidamada aysan haysan agabkii ay u baahnaayeen sida Gaadiid dagaal, hub, goobo caafimaad oo lagu daweeyo Askarta dhaawacanta i.w.m.

Wuxuuna taliyaha dowlada fedraalka iyo maamulka Jubbaland ka dalbaday in ay wax ka qabtaan duruufahaas adage e xiligaan ku gadaaman ciidamada si Al-shabaab ay ugu saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada uu ka arimo maamulkaasi.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE