Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo soo saaray dalab ka dhan ah ciidamada Mucaaradka ee Muqdisho

0

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga  ayaa dalbaday in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “In militariga laga saaro Muqdisho waa muhiimadda koowaad ee iminka. Dadka doonaya inay cayaaraan kaalin wanaagsan oo ku aadan doorashada waa inay ra’iisul wasaare Rooble ka taageeraan shaqadan muhiimka ah.”

Safiirka oo sidoo kale ka hadlaya dhibaatada amni ee ka dhalan karta ayaa sheegay in xiligan aysan muhiim aheyn in magaalada lagu arko ciidan aan ka amar qaadan DF “In Muqdisho lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo leh talis ka baxsan qadka talis guud ma caawineyso shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Waxaa xiligan Muqdisho kuwada sugan  ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo dowladda ka tirsan balse ka horyimid muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka ee laga laabtay Sabtidii.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro sidii dhiacnayada ishor fadhiya uu isugu keeni lahaa islamarkana uu nabad uga dhex abuuri lahaa.

Mucaaradka ayaa aaminsan hadii ciidamadan ay ka baxaan magaalada in la u gaarsanayo islamarkana la ruqseyn doono taa oo meesha hadhow ka saari doonta taageeri dambe oo ay helaan midowga musharaxiinta.

Muqdisho-Somalia