Wakiilada Beesha caalamka oo shir albaabada uxiran la yeeshay maanta Siciid Deni

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, wafdi ka socday beesha Caalamka.

Waxa hogaaminayey Wafdigaasi ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyadoo wafdigaasi ay qeyb ka ahaayeen Safiirada Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

Danjire James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa saxaafada usheegay waxa uu daaranaa Safarkooda Maanta Garowe.

Safarka Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxa uu noqonayaa mid ay ku tegayaan dhamaan dawlad gobolleedyada kale ee dalka islamarkaana lagu dar dar gelinayo Arimaha Doorashooyinka.