Wafdi caalami ah oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho

0

Waxaa maanta si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho waxaana la filayaa inuu dalka soo gaaro wafdiga Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo.

Mr Obasanjo aya dhawaan loo magacaabay Ergayga Geeska Afrika ee Xasilinta iyo Nabadeynta Midowga Afrika kadib markii Villa Soomaaliya ay diiday madaxweynihii hore ee Ghana oo loo soo magacaabay kaa oo ay sheegtay inuu xiiir la leeyahay mucaaradka iyo dowladda Kenya.

Shaqada Ergayga ayaa ah inuu kala shaqeeyo dhinacyada jilayaasha siyaasadda ee dalalka Afrikada Bari oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalado kala guur ah wallow ay XFS Taabagelisay Doorashada Aqalka Sare. Halka Ethiopia ay dagaallo u dhaxeeya Tigreeyga iyo Ciidamada Ethiopia ka socdaan.

Mr. Olesugun Obasanjo ayaa la filayaa inuu kulan la qaato Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo waliba dhinacyada kale ee Soomaaliya ay quseyso.

Olusegun Obasanjo.ayaa ahaa madaxweynihii 8 jeer oo isku xigxigta si dimuqraadiyad leh loo doortay ee Nigeria ka hor inta uusan xilka ku wareejin Cumar Yaradua.

Muqdisho-Somalia

Abdiazizh99@gmail.com