Wadooyinka Kismaayo oo maanta xiran & Amniga oo aad loo adkeeyay (Maxaa soo kordhay?)

0

Ciidamada Jubbaland ayaa maanta waxa ay xireen dhammaan waddooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa lagu sheegay iney tahay sidii amniga loo adkeyn lahaa iyo dareen cabsi ah oo laga muujiyay falal amni daro iney magaalada ka dhacaan,maadama xiisad dhanka maamulka ay ka taagan tahay.

Waxaa la arkaya shacabka Kismaayo oo lugeynayana waddooyinka waaweyn maadaama la diiday iney shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha.

Dhanka kale, waddooyinka Kismaayo ayaa lagu dhejiyey sawirrada madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe,kaasi oo aqoonasigiisa uu muran ka taagan yahay.

Sidoo kale, siyaasiyiinta isbedel doonka ee ku sugan magaalada Kismaayo oo qaarkood madaxweynanimo sheeganaya ayaa dhankooda xirtay wadooyinka soo gala xafadaha qaar ee ay degan yihiin.

Shacabka ayaa qaba dareen ah iney ku dul dagaalamaan dhinacyada isku heysta maamulka magaalada.