Waaran Lagu soo xirayo General Xuud & Hadal uu jeediyey

0

Wararka ka imaanayo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa soo sheegaya in Waaran ama Warqad maxkamad oo soo qabasho ah loo jaray General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maleeshiyaad badan ku heesta degaanka Ceel-gaal ee duleedka Beladweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xuud iyo maleeshiyadiisa ay galabta la yeesheen Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan waana wadahadalkii ugu dambeeyay sida aan xogta lagu helay.

Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa la sheegay in ay bixisay amarkaan waxaana la ogeysiiyay masuuliyiinta Qaranka oo aad ugu dhow Cali Guudlaawe, iyadoo sidoo kale la ogeysiiyay madaxda HirShabeelle.

Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) ayaa muddo todobaad ah hortaagan in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyihiisa Baarlamaanka ka degaan Belad weyne waxaana cabsi weyn laga qabaa in dagaal ka qarxo gobalka Hiiraan oo dadkiisa la daala dhacayaan daruufo adag.

General Abuukar Xuud ayaa ku goodinaya in ay ogolaan doonin in Cali Guudlaawe yimaado Beled weyne.

Bil ka hor khudbad uu jeediyey Generalka xilli uu kusugnaa Muqdisho ayuu kaga hadlay arimo badan weliba Doorashada Hirshabelle ma dhicin markuu khudbadaasi jeedinayey.