Maxay qabanayaan guddiga isku dhafka ah ee Mucaaradka iyo XFS? (XOG)

0

Heshiiska Xukuumadda Xil-gaarsiinta & Midowga Musharixiinta ee dhacay 25-kii Febaraayo 2021 Khamiistii ayaa lagu qeexay magacyada xubnaha Guddiga labada dhan ka imaanaya si ay uga shaqeeyaan dabagalka weerarradii dhacay 19-ka Febaraayo 2021, is-hor istaagga Dibadbaxa Musharixiinta & doorka ay ku yeelanayaan wadahadalka doorashooyinka salka loogu dhigayo.

Xubno ka tirsan musharrixiinta iyo xafiiska RW Rooble ayaa shabakadda Warqaad u xaqiijiyay in sabti ah ay is xog-warreysanayaan xubhaha Guddigaan si ay uga xaajoodaan habka loo bilaabayo baaritaan lagu sameeyo weerarkii ka dhacay hoteel ay degenayeen labadii Madaxweyne ee ka horreysay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, sidoo kale ah Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

“Ujeedka ugu weyn ayaa ah in xubnahaan Guddiga ah ay ogaadaan sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri xubin muhiim ah oo si dhow shaqada guddiga ula socda, khasaaraha labada dhinac kala gaaray & soo gudbinta tira koobka guud ee dadkii wax ku noqday si ay dib ugu laabtaan RW Rooble & hoggaanka sare ee Musharixiinta.

Sidoo kale Guddiga ayaa ka shiraya sida loo abaabulayo dibadbaxa Musharixiinta balse ay ogolaatay Xukuumadda Xil-gaarsiinta kadib heshiiska ay wada galeen, maadaama lagu ballamaay in uu ku qabsoomo 10-Cishe gudahood.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya & xubnaha guddiga u xilsaaran dhanka abaabulka dibadbaxa ayaa kawada hadlaya xaaladda ammaanka, ka feejignaanta Covid-19 & sida ay la tahay labada dhinac in lagu xakameyn karo dadka isu soo baxa sameynaya.

Xubnaha Guddiga ayaa ugu dambeyn soo gudbin doona xiliga uu dhacayo isu soo baxa Musharixiinta ay dalbadeen in uu qabsoomo si ay u muujiyaan xorriyadda hadalka & soo bandhigisita aragtida dadka kasoo horjeeda Madaxda Dowladda ee Muddo xileedkoodu dhammaaday.