Waa kuma sargaalka ee aadka iskaga ilaalineyso ahlusunada kusugan guriceel?

0

Ciidamada Ahlusuna ee kusugan guriceel ayaa aad iskaga ilaalinaya sargaal ay hore uga wada tirsanaayeen halgankii Al shabaab looga xoreeyey gobollada dhexe.

Xalay saqdii dhexe ayaa askar katirsan kuwa xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen deegaanka ceel dheere ee duleedka dhuuso mareeb.

Gudoomiyaha deegaankaasi ee Galmudug Xaduur waxa uu sheegay in ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug hore ugu sugnaayeen deegaanka.

Hadaba ahlusuna ayaa aad iskaga ilaalineysa sargaal caan ah oo lagu magacaabo Cismaan Cali Hudeey oo ahaa taliyihii booliska degmada guriceel.

Waxa uu maanta kasoo muuqday sawirro iyo video laga soo qaaday deegaanka ceel dheere ee xalay saq dhexe qabsaday,waxaana taliye hudeey uu ka mid yahay saraakiisha dooneysa in guriceel laga saaro Ahlusuna.

Xaalada Dhuuso mareeb & Guriceel inta udhaxeysa ayaa kacsan marka la eego xiisad ciidan oo iska soo horjeeda oo ay wadaan Ahlusuna & ciidamada huwanta ee isla socda waa daraawiishta galmudug iyo kuwa Dawlada Soomaaliya.