Waa Kuma Maskaxdii Ka Dambeysay Dal dalaadii Kheyre Lagu Riday?

0

Maskaxdii ka dambeysay in Mooshin saacado kooban Lagu rido Xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa hadda la ogaaday.

Maalmo ka hor waxaa magaalada Muqdisho yimid Cabdi Cali Raage oo Xalay loo magacaabay Lataliyaha Siyaasada iyo Ololaha Doorashada inuu ka taageero Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu abaabulka iyo Qaabka Kheyre loo riday lagu sheegayin gacan weyn ka geystay islamarkaana in Xarunta Barlamaanka lagu dhex qeybiyo banaanka aan lagu shaacin shakhsigii soo jeediyay ayuu ahaa, taladiisa waxay noqotay mid miro dhashay.

Waxa ninkaan magacaabistiisa ay sii kala fogeysay Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo Shirkii Dhuuso mareeb isku soo arkay arimo badana la filayey in la isla meel dhigo.

Cabdi Raage ayaa taladii uu soo bandhigay waxay sabab ka dhigtay in ugu dambeyn ku najaxo Madaxweyne Farmaajo,laguna Abaal mariyey xilka loo gacan geliyey.

Cabdi Cali Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaan gal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016.

Doorka ugu weyn Ee Madaxweyne Farmaajo waa in dib usoo laabto doorashada dambe,oo culeys badan la saarayo.