Villa Soomaaliya Oo Taageero Ka Heshay James Swan & Yamomoto Arimaha Doorashada

0

Kulankaan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa yeeshay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Isloow) iyo Mas’uuliyiin katirsan dawlada Dhexe.

Waxay shirkaasi la qaateen Safiirka Mareykanka ufadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobeey Ee Arimaha Soomaaliya.

Wasiir Ducaale oo kulanka kadib si kooban uga hadlay kulankaas waxa uu sheegay inay isla meel dhigeen arimaha doorashada Soomaaliya 2020/2021-ka.

Danjire James Swan ayaa ku bogaadiyey Dawlada Soomaaliya inay ku howlan tahay doorashadaas iyo sidii Soomaaliya ay kaga dhici laheyd wakhtigii loogu talo galay.

Sidoo kale Donald Yamamoto oo ah Safiirka USA Ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay Dawlada Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii ay ku qabsoomi laheyd Doorashadaasi.

Xubnaha Wasiir isloow Maanta la kulmay waxay sheegeen inay dawlada ku garab istaagayaan sidii doorasho qof iyo cod ah Dalka kaga dhici laheyd,xilli xisbiyada Mucaaradka ay hore usheegeen inaysan taas dalka ka dhici karin.