Villa Soomaaliya Oo sii hordhacday War Culus laga sugayo Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa lagu qanciyey inuu ka hadlo Arinta askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu diray Dalka Ereteria.

Boog madoow ayey ku reebtay Siyaasad ahaan Madaxweyne Farmaajo arinta dhiibistii Qalbi dhagax iyo Ciidanka la geeyey Ereteria.

Warbixin shalay kasoo baxday Guddiga xuquuqul insaanka Qaramada madoobeey ayaa lagu sheegay in cadeymo ay heleen ku ogaadeen in ciidamada Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka tigray.

Lataliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jeediyey in aan laga aamusi karin arintaan hadii Qaramada Madoobeey soo gudbisey.

Lama oga waxa uu Madaxweyne Farmaajo ka dhihi doono qadiyada Askarta sida qarsoodiga loogu qaaday tababar ahaanta Dalka Ereteria.

Xubno katirsan Villa Soomaaliya ayaa sheegay in la diyaarinayo jawaab celinta askarta Soomaaliyeed ee la sheegay in lagu dilay Dagaalkii Tigray.