Villa Soomaaliya Oo Dhabar Jebin culus La dooneysa Mucaaradka & Goodax Oo…

0

Sida qorshaha la dejiyey uu yahay hadii uu suurta galo waa dhabar jebin culus oo Mucaaradka la kulmi doonaan,taas oo Madaxtooyada Soomaaliya ka fekireyso doorashada Soomaaliya in ay ku guuleysato.

Madaxtooyada Qaranka ayaa rabta in Cabdullaahi Goodax Barre Oo ah Siyaasi weli Nabad iyo Nolol taageersan laga dhigo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soo socda.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Beesha Goodax oo laga hor istaagay HirShabelle Madaxweyne ka noqoto markaan la rabo in Baarlamaanka Loo dhiibo guddoonkiisa sare.

12 Murashax oo 8 ka mid ah Beesha Hawiye yihiin ayeyna taas ay dhabar ka toogasho ku noqoneysaa waa Hadii Goodax oo Hawiye ah Baarlamaanka kusoo baxo.

Hadii Golaha Shacabka lasiiyo Goodax oo qorshaha sidaas noqdo,Shariif,Xasan Sheekh,C/raxmaan C/shakuur,Daahir Geelle iyo Siyaasiyiin kale ayaa noqon kara mid aan Madaxweyne utartami doonin.

Xitaa Kheyre iyo Guuleed ma is sharaxi doonaan waa hadii Goodax Golaha Shacabka kusoo baxo,lamana saadaalin karo waxa isbadeli doona iyadoo meel xasaasi ah doorashada Soomaaliya Ololaheeda laga dareemayo.