Villa Soomaaliya Oo Dagaalka Xisbiyada kula jirto Hay’ad Kale Saameysay

0

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan Ee Doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxay ka hadashay dhibaato soo food saartay Hanaanka shaqadooda.

Xaliimo yareey waxay si cad u sheegtay in caqabada heysata ay ugu weyn tahay goob ku filan shaqaalaha gudigooda inay heysan.

Waxa hoosta ka xariiqday inay sidoo kale cabasho hore umuujiyeen Axsaabta Siyaasadeed oo ay u imaan Karin hadii ay shaqo uga baahdaan Gudiga.

Xarunta Gudigaan ayaa ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya,sida la rumeysan yahayna Dawlada waxay diidan tahay oo ay cunuqabateyn dadban saartay Axsaabta Dalka ka jira.

Waxay Dalbatay Xaliimo Ismaaciil inay helaan xarun gaar ah oo gudigooda ku shaqeeyo oo cid walbo ugu imaan karto,si maldahan ayey sheegtay in Dawlada ay Taakadaasi saartay Axsaabta iyaguna ay saameysay.