Villa Soomaaliya oo Cali Yare ku xayirtay Istanbul

0

Warar laga helayo dalka Turkiga ayaa soo sheegaya in dalkaas lagu celiyay Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna safar u ahaa dalka Mareykanka.

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka oo isu diyaarinayay soo dhoweynta Cali Yare ayaa sidoo kale sheegay in uu soo gaaray warka sheegaya in la joojiyay safarkiisa caawa ee Mareykanka.

 

Sababta loo celiyay si rasmi ah looma oga balse waxay wararku qaar sheegayaan in uu ku safray Baasaboor Diblomaatic ah isagoo aan fasax ka heysan dowladda Soomaaliya. Masuulkaan waxa uu dhalasho 2-aad ka heestaa daka Sweden inkastoo uusan xiligaan ku safrin baasaboorka dalkaas.

Dhinaca kale, qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Cali Yare Cali ayuu sababta baaqashadiisa ku sheegay arrimo farsamo oo la xariira talaalka Covid-19.