VIDEO: Masawirkii Muuse Biixi & Wasiirada Dawlada Soomaaliya Oo Weji Kale Yeeshay

0

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani C/raxmaan C/llaahi Cirro ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada kusoo laab laabatay Magaalada Ceel afweyn.

Waxa uu sheegay inay ka damqanayaan dhibta Shicibka soo gaareysa iyo Colaadaha kusoo laab laabtay.

Dhanka kale waxa uu si sarbeeb ah ku weeraray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo masawir uu la galay isagoo xajka jooga Wasiiro katirsan Dawlada Soomaaliya ay weji kale dhanka siyaasada yeeshay.

Inkastoo Wasiirada uu la kulmay wada ahaayeen kuwo kasoo jeeda Soomaaliland badankood Madaxweyne Biixi,balse wixii laga hadlay si cad weli looma sheegin.

Gudoomiye Cirro ayaa maah maah dhego hadal ah ku karbaashay Biixi iyo Wafdigiisa sawirkaasi Sacuudiga kula galay Wasiirada Dawlada Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA