Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada London ee carunta dalka Ingiriiska.
Wafdiga madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb-galyo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale khudbad u jeedin doona jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, wuxuuna warbixin kasiin doonaa xaalada dalka iyo qorshaha dowladda ee cirirbtirka kooxda Al-Shabaab.
Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in duulimaadkii u horreeyay ee toos ah Muqdisho-London uu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ugu ambabaxay UK ay aheyd mid taariikhi ah, safarkanna uu calaamad u yahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, taasoo muujineysa xiriirka iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo sii ballaaranaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa berri wadajir ah u martigelin doona shir-madaxeedka cunnada Adduunka.
Muqdisho-Somalia