UK iyo Kenya oo u heshiiyay koox hubeysan oo Soomaaliya ka howlgasha

0

Dowladaha Ingriiska iyo Kenya ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo looga hortaggayo halista kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa yimid kadib kulan ka dhacay magaalada London oo wasiirada gaashaandhigga ee labada dal ay goobjoog ahaayeen.

Britain waxay shaacisay in Kenya ay ka caawineyso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka militeriga.

Waxaana heshiiska kamid ah sidii la isaga kaashan lahaa dadaallada looga hortaggayo argagixisada ee ka socda gobolka Xeebta halkaas oo u udub dhexaad u ah waaxda dalxiiska ee Kenya.

Kumanaan ciidamo ka socda dowladda Ingriiska ayaa sanad kasta waxay tababar siiya ciidamada Difaaca Kenya iyo sidoo kale kuwa Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa sidan oo kale dhowr jeer saanad Militery siisay dowladda Kenya taa oo ay mudanyihiin ciidamada dowladda federalka Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia