Turki Maanta gaaray Dhuuso mareeb [UJEEDKOODA+SAWIRRO]

0

Wafdi ka socda hay’ada Daarul aytam ee laga leeyahay Dalka Turkiga Ayaa Diyaarad waxay ka dejisey Maanta Magaalada Dhuusa mareeb Ee Gobolka Gal gaduud.

Hay’adaan ayaa ka shaqeysa Arimaha Bani-aadanimada waxaana maanta ay gaareen Caasimadda Galmudug.

Markii ay Wafdigaan tegeen Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur waxaa kusoo dhaweeyey Madaxa hay’ada uqaabilsan Deegaanada Galmudug Ex Xildhibaan Nuur Cabdullaahi Faarax (Sulux) iyo Mas’uuliyiin kale.

Intaa kadib Xarunta Degmada Kulan kula qaateen Maamulka Magaalada Dhuusa mareeb iyadoo hay’adani Daarul aytam isla maanta bilaabeen Caawinta Dadka tabaaleysan iyagoo dhowr Maalmood howla shaqo ka fulin doona deegaano katirsan Galmudug oo ay Caasimada ugu horeyso.