Trump oo shaqada ka eryay mas’uul mar la kulmay Khayre iyo fal-celinta uu ka bixiyey

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu shaaciyey in uu xilka ka qaadey John Bolton, kaasoo ahaa lataliyihiisa arrimaha ammaanka, sidda uu ku shaaciyey bartiisa Twitter-ka.

Trump oo u muuqdey mid si furan u hadlaya ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in ay isku qabteen arrimo uusan daaha ka rogin balse uu tibaaxay in ay ahaayeen soo jeedin ka timid Mr Bolton.

Dhinaca kale, Bolton oo ka falceliyay xilka ka qaadista madaxweyne Trump ayaa waxa uu muujiyey in ay ahayd talaabo uusan filayn maadaama sida uu tilmaamay uu horey codsadey in uu is-casilo.

Go’aanka Trump ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo warar soo baxaya ay sheegayaan in Golaha Wasiirada Trump ay isku maandhaafeen arrimo quseeya shir uu baajiyey Trump.

Shirkaasi ayaa waxa uu ahaa mid uu Trump la yeelan lahaa hogaamiyeyaasha ururka Taliban, kaasi oo isbuucan qabsoomi lahaa.

John Bolton oo kamid ah siyaasiyiinta ugu maqaamka sareysa Mareykanka, isla markaana xilal kala duwan soo qabtay ayaa waxa uu bartamihii sanadkan la kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.