Tooshka Warqaad: Talyaaniga Oo Jubbaland Heshiis La Galay & Villa Somaliya Oo Laga Qariyey

0

Waxaa lasoo sheegayaa in Heshiis hoose ay wada galeen Dawlada Talyaaniga iyo Maamulka Jubbaland kaas oo ku aadan dhoofitaanka Dallagyada Qaar Ee Beeraha Deegaanadaasi kasoo go’a.

Shirkii gaarka ahaa ee ka dhaca Dekada Magaalada Kismaayo ayaa warar kasoo kordhay waxay sheegayaan in Danjiraha Dalka Talyaaniga Ee Soomaaliya uu Jubbaland Ballan qaad usameeyey.

Inkastoo Arimaha Doorashada cida kusoo baxda ay wax walbo ka macaashi doonto heshiiska ayaa hadana lasoo warinayaa in Mooska laga dhoofinayo Deegaanada Jubbaland ay wax badan Axmed Madoobe iyo Safiirka is weydaarsadeen.

Qandaraaskani ayaa qarash badan ay Jubbaland ka heli doontaa,iyadoo wax soo saar iyo shaqo abuur ay sidoo kale ku jirto Arimahaasi.

Heshiiskani waxaa si gaar ah uga faa’iidaya Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) inkastoo la ogeyn sida uu usoo laaban doono maadaama dhawaan doorasho la gelayo.

Jubbaland waxay wajaheysaa,olole doorasho oo Madaxtinimada iyo Baarlamaaniga isku arkayaan.

Hadda waxaa lasoo tebiyey in Villa Soomaaliya ay fara gelin ku sameyn doonto arimahaasi oo la ogeyn culeyska ay Dawlada Saareyso iyo sida ay suurta gal ku noqon karto inay baajiso Heshiiskani.