Home RA’YIGA TOOSHKA WARQAAD: La Dagaalanka Musuqa Ee Socda & Khalad Loo Jeedo Oo...

TOOSHKA WARQAAD: La Dagaalanka Musuqa Ee Socda & Khalad Loo Jeedo Oo La Iska Indho Tiray

0
SHARE

Ugu Horeyn Assalama Calleykum,Qormadaan Kooban waxaan kusoo koobayaa Musuqa Jira iyo Sida la iskaga indho tirayo Shacabka La Xukumo.

Sida ku cad Dhaqan iyo Diin in wax la Xadaa waa dembi sidaa ay tahay waxa dadku ay yihiin kuwo ku baraaray Xatooyadaasi la dadbay.

Musuq baahsan ayaa Soomaaliya la degay marka loo eego Habka Shaqo Raadinta,Hay’adaha iyo Qaabka Mushaarka,Dhididka Qofka oo lagu xad gudbo iyo Maareyn xumo la sameeyo inta howsha ay socoto.

Waxa Aas aas u ah wax isdaba marintaasi jirta in damiirkii dadnimo ay ku yar tahay rag iyo dumar qofka Howsha Maamulkeeda Haya iyadoo taasi laga dhaxlay in midkii badela Howshaasi uu halkii kasii wado gacan dugaaliska.

Dawlada Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay ku sheegtay inay kula dagaalameyso Musuqa balse Meel la salaaxo Madaxaa ugu sareeyee waxay Ilowsan tahay in Madaxda Dalka ay qeyb ka yihiin Xatooyada ama Musuqa Jira.

Tusaale Wafdiga Madaxda ay ubaxayaan waxa la sheegay inay raacaan Dhalinyaro aan xafiisyada ka shaqeyn hadana lacago inta laga qaato kadib Dalkii ay tageen ku dhex dhuuntaan,hadey rabaan Madaxda iyagu yeysan sameyn arintu balse Xafiisyadooda kuwa ka shaqeeyaa howsha qabtay.

Waxa kale oo jira in Qofka lagu xujeeyo dhaqaale howl walbo oo Dawlada uga baahdo sow iyana maahan Musuqii hadii uusan bixina ay ku adkaaneyso inuu si fudud u helo wixii uu ka rabay Xafiiska ama Hay’ada Dawladeed.

Lunsashada Dhaqaalaha Dalka soo gala waxa uu gaaray heer sare balse lama daba gelin 10-kii sano Ee Dalka Dawladaha Kumeel gaarka iyo Dawlada Federaalkuba jireen.

Mid walbo oo Xil Qabtaana waa uu macaashaa jeebkana u dhigtaa xoolaha Dadka iyo Dalku leeyihiin kadibna aadaa Waddan shisheeye si uu ugu raaxeysto markii xilka uu baneeyo.

Qurba joogta laga safay xilalka ayaa waxay si cad ugu soo shaqo tagaan Soomaaliya Badankood ee uma ay imaan inay Dadka iyo Waddanka wax uqabtaan oo Aqoontii ay soo barteen uga faa’iideeyaan.

Inta ay xaalku sidaa tahay ma ahan mid wax laga qaban karo Musuqa ku dhex milmay dhiiga dadka Soomaaliyeed,taasi oo la micno ah hadii la yiraahdo waan la dagaalameynaa Laaluush qaadashada qofka xubintiisa jirka ka mid ah ayaan jareynaa isagoo nool mana ahan mid dhici karta.

Dhowr Kiis oo Musuq ah ayey Xeer ilaalinta Qaranka ay sheegeen inay gacanta ku hayaan,qaarkood Mas’uuliyiin Xasaanad lahaa ayaa la xiray kuwo kalena waxa ku socda Baaris.

Is weydii Xilliyadii Doorashada Madaxda Hadda talada Heysa ku jireen Lacago badan oo malaayiin ah ayaa baxday Xagee ka timid Xageese la rabaa in laga shaqeeyo oo lagu deyn baxo?

Ma is weydiisey in ay Canshuurta Dawlada Qabato Badankood ay Jeebka Mas’uuliyiin ku dhacdo marka laga reebo inta lagu shubo Akoonada iyo Bankiga Dawlada?

Mushaarka Ciidanka Joogta ma uhelaan waaye Su’aasha?

Waddooyinka sidii la rabay ma loo dhisay?

Biyo,Koronto iyo Adeegyadii Aas aasiga ahaa Dawladu Shacabka ma uqabatay?

Intaas hadaysan Jirin Xagee ku dhacdaa lacagaha Dawlada Deeq iyo Dadka Soomaaliyeed ka qaado?

MAHADSANIDIIN

WARQAAD-MUQDISHO

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE