TOOS: Farmaajo oo shir ugu yeeray Mursal+Qorshe muddo kororsi(XOG)

0

War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray aqalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu shir degdeg ugu yeeray guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa weydiistay afhayeenka aqalka hoose ee BFS in uu shir ugu yimaado gurigiisa Villa Somalia, si ay uga hadlaan arrimo muhiim ah.

Sida saraakiil ka tirsan Villa Somalia oo diiday inaan magacooda xiganno ay u sheegeen Warqaad, madaxweynaha ayaa doonaya in uu guddoomiye Mursal kala hadlo xaaladdani cakiran ee taagan iyo sidoo kale muddo xileedka xukuumaddiisa oo dhammaaday, kuna ekaa maalinkii shalay.

Ilwareedyada waxay tilmaameen, in qorshahani uu yahay mid ay gadaal ka taagan yihiin Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo wasiirrada ugu miisaanka culus xukuumadda FS.

Xalay ayaa sidoo kale xildhibaannada iyo senators-ka taageersan Villa Somalia la faray in ay ka shaqeeyaan qorshaha muddo kororsiga uu ku doonayo madaxweyne Farmaajo, oo ay isla habeennimadii ama durbadii xalayba u howlgaleen.

Wixii soo kordha dib ayaad ka maqli doontaan