Toogasho Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Masjid Dhexdiisa Caawa Muqdisho

0

Koox Ku hubeysneyd Bistoolado ayaa waxay Caawa Salaadii maqrib kadib ku dileen Magaalada Muqdisho mid ka mid ah Ergadii Baarlamaanka soo doortay.

Dilka ayaa ka dhex dhacay Masjidka Sheekh Xasan cade Ee ku yaalla Degmada Yaaqshiid Xaafada Jungal.

Dadka goob jooga ahaa waxay sheegeen inay baxsadeen,kooxda gacan ku dhiiglayaasha ahaa,markii ay khaarajiyeen Nabadoon Ibraahim Cariif.

Dhiig badan ayaa Masjidka ku qubtay oo marxuumka rasaasta lagu shanaqay ahaa,taas oo kala carar uu meesha Daqiiqado ka dhacay.

Inta badan dilalka nuucaan oo kale ah waxay yihiin kuwo aan cusbeen balse waayahaan dambe waxaa soo kordhay in Masjid la isku dhex dilo,Masjidka oo ah meel aan mudneyn in Qof lagu dhibaateeyo.

Al Shabaab ayaa kol hore waxay wacad ku mareen inay dili doonaan dhamaan Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka,Marxuumka caawa la dilay ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Kasoo galay HirShabelle soo doortay.