Toogasho lagu fuliyay nin horay dil uga geestay Galmudug

0

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xukun dil ah lagu fuliyay Cabdisalaan Cali Axmed oo horay magaaladaasi ugu dilay Cabdullaahi Cali Hudey oo ka tirsanaa ciidama dowladda.

Gacan ku dhiiglaha ayaa horay maxkamadda ciidamada waxay ugu riday xukun dil ah ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka NISA iyo kuwa Booliska oo mudo ku daba joogay.

Goobta lagu fulinayay xukunka waxaa goobjoog ka ahaa ehelada labada dhinac iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Ninka hore loo dilay waxa ay walaalo yihiin taliyaha saldhigga booliska degnada Guriceel, iyadoo xiisad dilkaasi ka dhalatay mudooyinkan ay ka taagneyd magaalada.

Muqdisho-Somalia