Toogasho Ka dhacday Maanta Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0

Ciidamada Amniga Ee kusugan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay gacanta ku dhigeen Askari Dil ka geystay Maanta Halkaasi.

Mid ka mid ah Ilaalada Xaruntaasi ayaa toogtay wiil Toban sano jir ah,kaas oo marayey ilinka hore Ee Xarunta.

Dilka ayaa ka dambeeyey kadib wiilka oo xaday Mobile uu isku dayey inuu cararo balse Askariga ayaa toogtay.

Meydka wiilka ayaa laga qaaday meesha,waxaana markii dambe Ciidamada ay xireen gacan ku dhiiglaha oo laga qaaday Qoriga.

Ma jirto war kasoo baxay Laamaha Amniga oo ay kaga hadlayaan Dilkaasi maanta Ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Tan iyo Markii Qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Xarunta Dawlada Hoose Xamar 24-kii July 2019-kii waxaa aad loo adkeeyey Xaruntaasi.