Dableey Hubeysan ayaa Salaadii Casir Kadib waxay Dil ka geysteen Magaalada Muqdisho,xilli Amniga Caasimada uu faraha kasii baxayey.

Maanta oo Sabti ah ayaa dad kor udhaafaya 10 Qof oo Shacab ah,xilli Waddooyinka Caasimada ay xiran yihiin oo ciidamada amniga ay gaadiidka udiideen.

Koox Bistoolado watay ayaa waxay galabta galinkii dambe ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.

Dilka gacan ku dhiiglayaasha geystay ayaa baxsaday,waxaana la ogeyn sababta wiilkaasi dadka deegaanka ka midka ahaa loo khaarajiyey.

Waxa uu dilka si gaar ah uga dhacay Meel kudhaw Mowlada Macalin Nuur Ee Xaafada Siigaale Degmada Hodan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.