Toogasho Ka Dhacday Ceelasha Biyaha & 3 Qof Ladilay Waxay Ahaayeen

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacay Dil loo geystay Seddex Qofood.

Labo Ka mid ah Dadka la dilay waxay ahaayeen Askar katirsaneyd Ciidanka Dawlada oo ilaalo u ahaa Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole.

Askarta waxaa toogtay Rag Bistoolado watay xilli ay saarnaayeen Mootada Laba lugaaleyda Loo yaqaano Ee Feekoonta.

Waxay marayeen Askarta markii la dilayey Xaafada Jabad geelle Ee Ceelasha Biyaha,waana ay baxsadeen Kooxdii Gacan ku dhiiglayaasha ahaa.

Qofka seddexaad ee dhintay ayaa ahaa Shacab,lamana oga in toos loo beegsaday iyo in xabad si kama’a ugu dhacday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu dilo Ceelasha biyaha Shakhsiyaad katirsanaa Xubno Maamulada Ceelasha iyo Lafoole.