Tirada codka xildhibaanada uu heysto Farmaajo oo korortay & ololaha dib udoorashada

0

Xog ay ogaatay Warbaahinta warqaad ayaa sheegeysa in ololaha dib udoorashada madaxweyne farmaajo ay sii xoogeysatay xildhibaano badan ayuuna heystaa sida lasoo tebiyey.

Ilo wareedka laga helay ololaha dib udoorashada Farmaajo oo lacago badan ku baxaeyso ayaa sheegaya in ay kordheen xildhibaanada dhinaca farmaajo lagu arkay.

Siyaasada inkastoo ray’i caamka la isku qaldi karo oo ay jiri karaan tiro been ah hadana xubnaha u ololeynta dib usoo noqoshada farmaajo ayaa ku faanaya inay heysta kudhawaad 150 xildhibaan codadkooda.

Xafiiska Farmaajo oo kulamo isdaba joog ah ka socdeen saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa la sheegay in 139 xildhibaan golaha shacabka ah iyo 16 katirsan golaha aqalka sare ay hadda codkooda uballan qaadeen balse wax kasta ay isbadeli karaan.

Siyaasadu saaxiib joogto ah malaha balse dan joogto ah ayey leedahay waxaana hadda muuqata in xildhibaano badan oo murashaxiinta ku tashanayaan codadkooda ay meelo kale uwareegi lahaa.

Maalinta doorashada madaxweynaha oo wakhti yar inaga xigaan ayaa ka hor lagu kala xod xodanayaa codka xildhibaanada,akhbaaraad aan helnay ayaa sheegaya in farmaajo uu diyaarsaday codkii xildhibaan walbo uu ku bixiyo 200 kun dollar ilaa 300 kun dollar waana lacag badan.

Kala xigasashada lacagtaaas ayaana ah suuqa furan ee siyaasada markaan oo kale oo ay xildhibaanada lacag badan ku sameeyaan kursiga ay ku fadhiyaan awgeed,balse lama hubo cida lagu khiyaami karo oo inta lacagtana laga cuno hadhowna laga codeyn karo.