Thabit Cabdi Oo Hal Arin Awgeed Taageero ku helaya & Qorshe Culus Uu Bilaabay

0

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa sii bilaabay ololaha Doorasho ee uu rabo 2021-ka inuu guul gaaro.

Thabit Cabdi ayaa taageero ku raadsanaya soo dhicinta Xaqa Gobolka Banaadir,isagoo bilaabay kicin dadweyne si loo helo Maqaamkii Reer Muqdisho lahaayeen.

Matalaada Xamar oo ka maqan Hay’adaha Dawladnimada ayaa dad badan ay rumeysan yihiin inay laf dhabar utahay mucaaradnimada ay Madaxda dalka hadda la kulmayaan.

Duqii hore Ee Muqdisho oo hadda ah Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka la yiraahdo Awoodda Shacabka,ayaa ku dheeraaday in Xaqa Xamar oo la muujiyo ay wax walbo ay la gasho usameyn doonaan.

Dhalinyaro badna oo Xisbigiisa ku xiran waxay wadaan qorsheyaal lagu qabanayo Doodo,Siminaaro iyo wacyi gelin si baa la yiri dadka loogu qanciyo inay madaxda ku cadaadiyaan oo codkooda la gaarsiiyo in Gobolka Banaadir xaqiisa la siiyo iyo dadka ku nool.

Biyo Ku filan oo nadiif ah ma helaan dadka Gobolka Banaadir,ma heystaan koronto Jaban,Canshuurta ugu badan Reer Muqdisho ayaa laga qaadaa keliya hadana Dawladu waa ay diidan tahay inay maqaamkii Gobolka Banaadir ay siiso.

Hadii la ogolaado in Muqdisho noqoto Maamul Gobolleed budo utuman waxay ka dhigan tahay inay heleyso Maqaam ay kula tartami doonto Maamulada kale ee 5 ah kuna dhismay Nidaamka Federaalka.