Taliye Xijaar oo soo saaray go’aan ka dhan ah awaamiirta Villa Somalia ay siiso ciidanka Booliska

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Hijaar ayaa ka hadlay wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhexmaray oo ku aadan in ciidamada Booliska ay ku dhex milmeen siyaasadda.

Taliyaha Booliska ayaa ku amray in ciidamada Booliska ay ku ekaadaan shaqadooda islamarkana ay ilaaliyaan amniga muwaadiniinta.

Waxa uu taliyaha sheegay in laga doonayo Booliska iney ilaaliyaan hantidooda si fiicana ay ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed.

Fariinta oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo aadeysa xili la filayo in Ra’isul Wasaare Rooble uu sameeyay xilka qaadis qaar kamid ah taliyeyasha ciidamada DF Soomaaliya.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad oo hoos imaada Booliska  ayaa dhowr jeer weeraray guryaha mucaaradka iyo xarumo warbaahineed iyadoo ay rasaas nool nool ay ku rideen.

Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kororsiga uu sameeyay Farmaajo kaa oo markii dambe laga laabtay, waxaana wali Muqdisho ku sugan ciidamada mucaaradka oo hubeysan.

Muqdisho-Somalia