Taliye iyo ciidankiisa oo katirsanaa Haramacad oo ku biiray ciidamada Mucaaradka

0

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaar ah tababaran ee Haramcad ayaa Axda maanta ah waxa ay ku biireen ciidanka Milatariga ah ee ku sugan xaafadda Siigaale degmada Hodan kuwaas oo sheegay in ay ka soo horjeedaan mudo kordhinta madaxda Dowladda Faderaalka ah.

Ciidamadaan waxaa wata sarkaal lagu magacaabo Captan Muumin Ciise Maxamed waxa ayna wataan gaadiid dagaal sida ay muujinayaan sawiro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha Bulshada.

Muumin ayaa la rumaysanyahay in uu yahay taliye ku xigeenka ciidanka Haramcad oo ay tababartay, qalabaysay Dowladda Turkiga oo Soomaaliya la taageerta dhinacyada amaanka, hormarinta iyo siyaasada.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah mudane-yaasha baarlamaanka ee Waqtigu ka dhamaaday ayaa dhankiisa xaqiijiyay goosashada sarkaal iyo ciidamada uu wato.

“Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xaafadda Siigaale ee degmada Hodan waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku waas oo la baxay “Ciidanka Badbaado Qaran” waxa ayna dagaal xoogan dhawaan kula galeen ciidanka amaanka Soomaaliya qaybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Muqdisho-Somalia