Taliyaha Booliska Soomaaliya oo xil ka qaadis deg deg ah sameeyey (Digreeto)

0

Taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha cusub ee saldhigga Booliska Jowhar.

Waxa xilkaan loo magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo xilkaan laga qaaday Maxamed Siyaad Canjeex Oo kudhawaad 7 sano soo hayey.

Canjeex ayaa loo bedelay Taliska Ururka Booliska waxaana la faray Gaashaanle Dhexe Bashiir Carabeey in xilka uguto sida ugu daacadsan.

Jowhar ayaa ah Caasimada Maamulka Hirshabelle waxaana ay ka mid tahay meelaha Doorashada ay ka dhaceyso xildhibaanada Federaalka.