Taliyaha Booliska oo Xasan Sheekh kaga war bixiyay weeraradii lagu soo qaaday iyo cida amarka fulisay

0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan kuwada yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar kaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaalla Xaafada Mirinaayo.

Taliyaha Booliska ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kaga war bixiyay weerarkii Todobaadkii hore lagu qaaday gurigiisa oo ku yaala xaafada Mirnaanyo iyo sida uu u dhacat.

Ilo u dhaw kulanka ayaa inoo sheegay in Taliye Xijaar uu u sheegay Xasan Sheekh in weerarka ay fuliyeen ciidamada Duufaan iyo kuwa Gorgor islamarkana uu amarka toos u bixinayay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Farmaajo.

Taliye Xijaar ayaa waxaa wehliyay Taliye kuxigeenka Booliska iyo Afhayeenka Booliska, waxaana booqashadan ay qeyb ka aheyd dadaalada nabadda ee ka socda Muqdisho oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa soo dhoweyn u sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska, wuxuuna ku ammaanay sida uu uga qeyb qaadanayo dadaalada lagu soo afjarayo xiisada ka taagneyd magaalada.

Taliye Xijaar ayaa la sheegay in markii hore aanu raalli ka aheyn qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku qaaday dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka, waxaana uu mar walba diidanaa dagaal in la qaado.

Muqdisho-Somalia