Taliska booliska oo kudhawaaqay Bandow caawa ka bilaabanaya magaalada Muqdisho

0

Iyadoo berri doorashada madaxweynaha ka dhaceyso magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadana la dareemayaa ololihii udambeeyey doorashadaasi.

Taliska booliska soomaaliya ayaa waxay soo saareen amar ku socda shacabka magaalada muqdisho ku dhaqan kuna aadan xaalada doorashada iyo saameynta bandow ay soo rogeen.

Afhayeenka ciidamada booliska gaashaanle C/fitaax Aadan Xasan oo saxaafada kula hadlay maanta Muqdisho ayaa sheegay in wixii ka dambeeya caawa 9:00 fiidnimo ay bandow magaalada kusoo rogeen.

Waxa uu sheegay in aysan ogolaan doonin xitaa lugta dadka inay isticmaalaan,balse Afhayeenka Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay adeegtaan ka hor galabta ilaa caawa wixii magaalada ay uga baahan yihiin.

Taliska booliska soomaaliya waxay sheegeen inay wixii culeys ah ee shacabka soo wajaho ay la xiriiraan lambarka gaaban ee booliska si loo caawiyo dadka xanuunsan,kuwa umulaya ee haweenka ah iyo xaaladaha deg dega ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA