Suurtagalnimada Dagaal Sokeeye Oo Ka Dhaca Muqdisho

0

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad u aamisan in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye walibana iska horyimaadaan ciidamo Soomaali ah, hase ahaatee xog badan ayaan idiin kaga haynaa in dagaal sokeeye xilligan dhici karo iyo in kale.

Sida cid walba oo Soomaaliyeed ay ogtahay, dalka ayaa ka yimid safar dheer oo qaatay 30 sano, iyadoo cid walba ay ka warhayso dagaal sokeeye waxa uu yahay.

Ku darso Soomaaliya meesha ay hadda joogto kuma imaan baryo iyo sidoo kale in Soomaalida iskood isku keeneen, ee waxaa lagu keenay hanjabaad iyo qarash badan oo uu caalamka geliyey.

Dhammaan siyaasiyiinta is haya muxaafid iyo mucaarid ma ahan kuwo gaari kara go’aan ugu dambeyn ah, waana sababta keenta in mar walbo ay dadku maqlaan hadallada kulul ee beesha caalamka kasoo yeereysa.

Arrinta kale ayaa ah in dhammaan siyaasiyiinta ay hanjabaad kala kulmaan beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, waxaana loo sheegaa in ciqaab ay mari doonaan haddii ay isku dayaan dagaal ama qas, sida xayiraad safarada, xisaabaadka ay ku leeyihiin dibadda iyo wixii la mid ah.

Dad badan oo ku xeel-heer arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in marnaba dalka aanu dagaal sokeeye ka dhici karin, dadka Soomaaliyeedna ay barteen qiyaanada siyaasiyiintooda.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA