Suurta gal Ma tahay In Villa Soomaaliya Amarto Xariga Madoobe & Deni?

0

Inkastoo warsaxaafadeedka galabta kasoo baxay Dawlada Soomaaliya qeybta dambe aad hadal qalafsan lagula hadlay Madaxda Jubbaland iyo Puntland hadana waxa isweydiin mudan xaalada dalka uu geli karo.

Bur burka ku yimid shirkii lagu wada indho hayey,ayaa niyad jab ku abuuraya Soomaali badan,oo rajo ka qabay is fahan la gaaro.

Waxa la isweydiin karaa sida Dawlada ay u amri karto xarig la dul dhigo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni taas oo laga hor istaagayo inay xamar ka baxaan.

Inkastoo markii horeba ay magan galeen Xerada Xalane oo ay degganaayeen hadana waxay wateen ciidamo gaar ah oo naftooda waardiye ka qabta.

Madaxweyne farmaajo ayaa muujiyey sida ay uga hor istaageen damac walbo uu siyaasadeed la imaan lahaa si uu dalka doorasho ugaarsiiyo.

Kaaga darane waxay Seddexda mas’uul ku abtirsadaan Hal Beel,iyadoo go’aanka uu qaatay galabta farmaajo ay culeys kale abuuri karto.

Ma cada waxa dhici kara,iyadoo wer werkii la qabay siyaasada iyo marxalada kala guurka ay meel sare gaartay markaan.

Waxa la sugayaa jawaab ay bixin doonaan,madaxda la eedeeyey iyadoo laga filayo hadalo umuuqda mid is difaac ah inay soo saaraan.

Hore waxa Madaxweyne farmaajo uu ku qasbay in xilka iskaga tegaan Axmed Ducaale Xaaf,oo ahaa Madaxweynihii Galmudug,Cali Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare oo labaduba Afar sano gudaheed iskaga tegay Xilkii Madaxweynaha Hirshabelle iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iska dhaafay Utartamidii Koonfur Galbeed Xilkana iska casilay.