Home WARARKA Suuq Casri Ah Oo Laga Hir geliyey Kismaayo & Dhaqaalihi Ugu Badnaa...

Suuq Casri Ah Oo Laga Hir geliyey Kismaayo & Dhaqaalihi Ugu Badnaa Oo Soo Galay Magaalada

0
SHARE

Magaalada Kismaayo sannadihii laso dhaafay waxaa ka socday horumar ballaaran oo dhan walba ah,waxaana Kismaayo kuso badanayay ganacsatada kala duwan kuwaas oo maalgashiyo kala duwan sameeyay.

Ganacsiga gawaarida ayaa door weyn ku leh dhaqaalaha caalamka gaar ahan dalkeena soomaaliya Magaalada kismaayo ayaa horumar balaaran ka sameysay ganacsiga gawaarida,waxaana xiligan gudaha jubbaland laga heli kara noocyadii ugu dambeyay ee gawaarida caalamka laga isticmaalo.

Dowlad goboleedka jubbland ayaa kudhiiri galisay ganacsatada soomaaliyeed ee dhaqalaha badan galiyay dalalka kale ee caalamka,waxaana dowladu ugu deeqday dhulal ay maalgashadayaashu ka hirgaliyan xarumo ganacsi oo muhiim ah.

Ganacsato ka faa’iideysanaysa fursadaha ya dowladu siisay ayaa magaalada kismaayo ka yagleelay xarumo ganacsi oo la tartamaya suuqyada kale ee dalka iyo dibadda,waxaana Carwooyinka lagu iibiyo gawaari kala duwan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE