Home BULSHADA Lamaanaha Is Guursanaya Gudaha Soomaaliya & Dhaqan Kusoo Kordhay (Qormo Cajiib Ah)

Lamaanaha Is Guursanaya Gudaha Soomaaliya & Dhaqan Kusoo Kordhay (Qormo Cajiib Ah)

0
SHARE

Mid kamid ah saaxiibadeydii Jaamacadda  ayaa su’aasha sare i weydiiyey bil kahor, balse waxa aan u fahmay in uu wax ka qorayo sidaas awgeed jawaab dhaqsi ah waa siin waayey, waxa ay igu qaadatay in aan raadiyo waxa ay Diinta iyo Dhaqanku (customary law)  kaqabaan in ninka ama xaasku ay isku hor dhunkadaan ama isku hor shumiyaan dadka hortooda iyo in ay iyaga oo is dhunkanaya sawirkooda ku faafiyaan baraha bulshada sida face book.

Waxa jira isbeddel weyn oo ku dhacaya dhaqanka iyo caadada bulshada adduunka oo dhan, waxaana isbeddelkaas xagga dambe ka riixaya Teknoolajiyadda iyo guud ahaan Internet-ka oo isku furaya dhaqamo kala xirnaa, oo u dhisan  sida ay bulshadu u kala duan tahay.

Bulshada aan dhaqankeeda wax dhowra oo ka illaaliya in la dhexgalo aysan jirin waxa ay  wajahaysaa dagaal aan hub iyo dabbaabaad u baahnayn balse aad uga saameyn badan dagaalka dabbaabadaha iyo hubka loo adeegsado.

Waxa kale oo saameyn kale oo xoog badan leh dadka haysta dhalashooyinka kala duwan ama isku haysta Baasaboorada laaba waddan, kuwaas oo marka ay la kulmaan dhaqamada isdiiddan hadba kii ay ku dambeeyaan iskraaca.

Dhaqankan Waxa kale oo taageero iyo hawo fiican siiyey waxa loo yaqaan romantic attitude ama muujinta jacayl iyo rabitaan qayaali ah oo dadka hortiisa ay ku sameeyaan labada lammaane sidaasna waxa u dhaqma xayawaanka Daanyeerka oo ay suuragal tahay in asalka dhaqankaasi kayimid.

Jawaabta su’aasha sare waxa aan ka baaray Kutubta 4ta mad-hab ee Culimada waaweyn iyo Buugta Qaanuunka, gaar ahaan dhaqanka iyo caadada bulshada (customary law)

Marka hore islaamka marka la joogo waxa jira wax la yiraahdo Dhaqanka wanaagsan (الكريمة الخلق), marka qaanuunka la joogana waxa la yiraahda Aadaabta guud (العامة الآداب) labadaba waxa waajib ah in ay jiraan hay’ado illaaliya oo wixii xad gudub ku ah hor istaaga, sababtuna waa in haddii aanay dhaqanka wanaagsan iyo Anshaxa guud ee bulshadu helin illaalin ay dhici karto in dhaqanka bulshadu burburo oo wixii ay illaashan jirtay ay noqdaan wax lagu tunto, taasina waxa ay horseedi kartaa in noloshu xumaato.

Dhunkashada ama Shumiska ama macdu waxa ay hordhac u yihiin galmada iyo kicinta dareenka, taasna waa in ay kadhacdo meel u gaar ah labada qof ee is qaba,waana reebban tahay xitaa in midkood cid kale oo aan labadooda ahayn uu la wadaago faallada iyo kahadalka wixii dhexmaray labadaas.

Marka haddii la diiday in laga sheekeeyo wixii dhacay ee dhexmaray labada qof ee xaaska ah waxa kasii fog oo ay tahay in la qariyo in si ficil ah loogu sameeyo bulshada horteeda.

Haddii ninka iyo xaaskiisa midkood uu ku sameeyo meel bulshadu wadajoogto ama u dhexeysa ama la arkayo ficil qayb ka ah galmada sida dhunkashada ama shuminta iyo taataabashada  waxa ay culimada Islaamku qabaan in uu meel uga dhacay sharafta iyo xushmada bulshada uuna yahay ficilkaas mid lagu sameeyey meel aan munaasab ahayn, waxa kale oo ay muujiyeen in dadka kale ee daawanaya ficilkaas uu ku xambaari karo in ay iyaguna sidaas yeelaan iyaga oo aan xitaa is qabin, taasina ay waddada u xaari karto dhibaato dhinaca dhaqanka ah oo bulshadu ku dhacda.

Qofka sameeya oo sharaftiisu hoos u dhacdo waxa laga saari karaa I uu marqaati galo ama marqaati furo ama uu noqod garsoore ama hoggaamiye, sababta oo ah inta badan  dadka dhaqan xumada muujiya ma noqdaan garsoorayaal iyo marqaati midna, qofka ficil ay shareecadu ugu talagashay waajibisayna in la qariyo bannaanka soo dhiga waxa uu kadhigan yahay qof dhaqan xumo baafinaya dadkana ugu yeeraya.

Dhinaca kale waxyaabaha uu islaamku xeeriyo waxa kamid ah caadada iyo dhaqanka bulshada, tusaale ahaan haddii bulshadu dhaqan ahaan ay ceeb u taqaan in labada qof ee isqabta ay meel fagaare ah isku dhunkadaan waa in aan qofna sidaas ku sameyn goobaha ay bulshadu ku kulanto, isaga oo ixtiraamaya  dhaqanka iyo caadada bulshada.

Culimada qaarkood sida  Sheekh Maxamed Ibaarihim iyo Cabdikariin Tatan oo aqoon sare u leh sharciga  waxa ay qabaan in aysan bannaanayn in ninku xaakiisa ku dhunkado dadka hortooda, taasna waxa ay  u daliishanayaan in galmada iyo hordhaceedaba uu sharcigu waajibiyey in ay kadhacaan meel qarsoon.

Labaatameeye qof oo rag ah ayaan weydiiyey waxa ay dareemayaan marka ay arkaan walaashood, Eedadood, Habaryartood iyo hooyadood oo sawiradooda lagu faafiyey facebook iyaga oo nimankoodii ay dhunkanayaan ama ay shumminayaan waxa ay ii sheegeen in ay aad uga xummaanayaan ayna dareemayaan ceeb iyo in lagu xadgudbayo sharaftooda iyo sharafta gabdhahooda.

Face book iyo baahinta sawiro muujinayo dhaqan xumo

Haddii si  sharci ah gabadha loo bixiyo ee lgu mehriyo ninka ay ku qanacday reerkuna la rabaan halkaas waxaa ka dhalata mas’uuliyad kawareegeysa reerka gabadha, kuna wareegeysa ninka lagu nikaaxiye gabadha iyo qaraabadiisa hoose taas oo ah in ay qaadayaan mas’uuliyadda gabadhaas oo dhammeystiran, mas’uuliyaddaas waxa kamid ah in la dhowro sharafta gabadha iyo reerkeedaba.

Haddii Facebook lagu faafiyo iyada ninkii ay reerkeedu ku nikaaxiyeen uu  dhunkanayo ama  dhuuqayo waxa ay xadgudub ku tahay reerka gabadha waxaana  ay furi karaan dacwad ah in ninka ay gabadha siiyeen uu yahay qof aan mas’uul ahayn sidaas awgeed iyada oo la adeegsanayo qodobka waa Qayru-mas’uul waxa laga dalban karaa garsoorka in laga furo gabadha.

WQ: Axmed C. Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE