Soomaaliya oo ka hartay is-reereebka Koobka Aduunka inkasta oo ay taariikh sameysay

0

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa kasoo haray isreereebka Koobka Aduunka 2020-ka, inkasta oo ay taariikh sameeyeen ayna badiyeen kulankoodii ugu horeeyay muddo sanado badan ah kadib.

Kulan ciyaareed lugta labaad ahaa kaasi oo ay la dheeleen waddanka Zimbabwe ayaa waxay kala kulmeen guuldaro 3-1, taasi oo ka dhigeysa in wadar ahaan labada lugood ay kusoo dhamaadeen 3-2.

Guuleysteyaasha ayaa waxay goolasha uga mahad-celinayaan ciyaartoyda kala ah; Khama Billiat, Marshal Munetsi iyo Mutizwa, kaasoo laad-xor ah shabaqa ku hubsadey boggii labaad ee dheesha.

Xidigaha Soomaaliya ayaa qeybta koowaad soo bandhigay qaab-difaaceed heer sarre ah, balse qeybta labaad waxay muuqdeen kuwa hoos u dhac sameeyay taasi oo loo aaneeyay daal fara badan.

Sikastaba ha ahaatee, guuldaran ayaa Soomaaliya uga dhigan fursad muhiim ah oo ay lumiyaan taasi oo ay ugu soo bixi kareen dhacdada ugu weyn kubada cagta oo 2022-ka ka qabsoomeysa dalka Qadar.