Soomaaliland Oo Maanta ka dhacday Xarun Ku Taalla Arin Hore Loo Arkin jirin

0

Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa maanta waxay gubtay surwaal uu xidhnaa nin maxkamadda yimid si howlo loogu qaban lahaa.

Surwaalka ayaa lugaha dal-daloolo ku lahaa,ama ka jeex jeexnaa taas oo la sheegay in uu labis ahaan wanaagsaneyn.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Muuse Dhoolayare ayaa waxa uu sheegay in surwaalkani uu liddi ku yahay anshaxa iyo dhaqanka.

Waxa dad badan ay waayihii dambe Meelo badan oo Soomaalidu degta lagu arkayey gaar ahaan Ragga inay soo xirtaan Surtaal Qeybo badan ka jeex jeexan oo lagu sheegayey inay Faashiyoon tahay.